Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa shaki geliyay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee deegaannada Koonfur Galbeed, xilli ciidamada taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ay la wareegeen degmooyin ka tirsan gobolka Bay.
Hadalka Guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya iyadoo xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed ay sii adkaanayso, kadib markii ciidamada taabacsan Lafta-gareen ay qabsadeen degmooyin dhowr ah, isla markaana ay cadaadis saareen deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Bakool.
Shakiga uu Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ka muujiyay joogitaanka ciidamada Itoobiya ayaa kusoo beegmaya xilli la isweydiinayo doorka ciidamada shisheeye ee ku sugan deegaannada maamulka iyo saameynta ay ku leeyihiin xaaladda amni ee halkaasi ka taagan.


