Hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Madasha Samatabixinta Mucaaradka, maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda kulan xasaasi ah ku yeeshaan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka dhashay jadwalka doorashooyinka heer federaal ee uu dhawaan ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo qeexaya waqtiyada la qabanayo doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ka tashan doonaan tallaabooyinka ay ka qaadi doonaan qorshaha doorashooyinka ee dowladda Federaalka, kaas oo ay horay u diideen, iyagoo ku tilmaamay mid hal dhinac ah oo aan heshiis siyaasadeed lagu saleyn.
Sidoo kale, shirka ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo ajendayaal siyaasadeed oo horay loo diyaariyey, iyo sidii dhinacyadu uga qaadan lahaayeen mowqif mideysan tallaabooyinka dowladda ee ku aaddan doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay kulamo la yeelan doonaan wakiillada beesha caalamka, si ay ugala hadlaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka daba dheeraaday ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka.
Si kastaba, mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inaysan wadatashi ku filan kala sameyn go’aannada waaweyn ee siyaasadeed. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Sabtidii shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dhaliilay habka ay dowladda u maareyneyso arrimaha siyaasadda, isaga oo sheegay in talada dalka aan lagu saleeyn karin aragtida hal dhinac oo keliya.
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii beeniyay wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso weerar ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka.
Madaxweynaha ayaa sheegay inaysan jirin cid ay doonayaan inay dagaal ku qaadaan, isaga oo adkeeyay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal, isla markaana albaabka wada-xaajoodku u furan yahay dhinacyada ay kala aragti duwanaanshuhu ka dhexeeyo.
Kulanka la filayo inuu Nairobi ka qabsoomo ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo weli aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo ay si wadajir ah ugu wada qanacsan yihiin dowladda Federaalka, mucaaradka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland.


