Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, oo uu ka dhageystay talooyinkooda iyo aragtiyahooda ku saabsan xaaladda dalka, hawlaha Golaha Shacabka , horumarinta adeegyada bulshada, midnimada iyo difaaca Qaranka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqaynta Golaha Shacabka iyo bulshada rayidka ah, si codka shacabka uga muuqdo hawlaha sharci-dejinta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo la adeegsanayo barnaamijka Gole Kaab, oo ah barnaamij fududeeya xiriirka bulshada iyo Golaha Shacabka, una suurtageliya gudbinta cabashooyinka iyo fikradaha bulshada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in goluhu muhiimad gaar ah siinayo in bulshada rayidka ahi yeelato awood iyo aqoon ay kula socoto hindise-sharciyeedyada Golaha Shacabka, qiimayso saameyntooda, dhegaysato bulshada ay khuseeyaan, una soo gudbiso Golaha talooyin xog iyo cilmi-baaris ku dhisan, iyagoo ka faa’iidaysanaya hannaanka casriyeynta tiknoolojiyadda (Digitalization) ee laga hirgelinayo Golaha Shacabka.


