Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Sarreeye Guud Sabahattin Kılınç, oo ah Taliyaha Taliska Istiraatiijiyadeed ee Wadajirka Caalamiga ah ee Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga milatari iyo difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika, dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo wax ka qabashada faragelinta shisheeye ee taageerta kooxaha argagixisada ah.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay taageerada dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo ciidamada qalabka sida iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Yuusuf Cali Maxamed, Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, iyo Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada TURKSOM, Sarreeye Gaas Sabahattin Kalkan.
Kulankan ayaa imanaya iyadoo Soomaaliya iyo Turkiga ay sii xoojinayaan iskaashigooda dhinacyada difaaca, tababarka ciidamada iyo amniga.


