Axmed Madoobe oo ku wajahan Garoowe maxaa uu kala hadlayaa Deni?

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda safar ku tago magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Labada Madaxweyne ay yeelan doonaan kulan xasaasi ah oo ay kaga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo bishii lasoo dhaafay kulamo kala duwan ku yeeshay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa toddobaadkan dib ugu laabtay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe, iyaga oo haatan la filayo inay sii ambaqaadaan qorshayaashii ay kulamadaas kaga soo shaqeeyeen.

Ajandayaasha labada Madaxweyne waxaa la sheegay inay ugu horreyso diyaarinta gogol siyaasadeed oo lagu qabanayo magaalada Garoowe, taas oo la qorsheynayo in loogu yeero saamilayda siyaasadeed ee Soomaaliyeed si looga wada hadlo xaaladda dalka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

Labada maamul-goboleed ayaa si weyn uga soo horjeeda hannaanka siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo diidan habka ay dowladda federaalku u maareyneyso arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo awood-qaybsiga siyaasadeed.

Kulanka la filayo inuu Garoowe ka dhaco ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, iyadoo ay weli taagan tahay doodda ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo hannaanka doorashooyinka.

WARARKII KALE

Maraakiib dagaal oo Turkiga leeyahay oo galbinaya markab kalluumeysi oo ku soo wajahan Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in maraakiibta dagaalka ee...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay arrimaha difaaca iyo amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsinimo ka guddoomay Safiirka Cuman

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada...

Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Golaha Ammaanka QM oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishan Nofeembar kulan...

Ammaanka Dhuusamareeb oo si weyn loo adkeeyay iyo madaxda DF oo ku wajahan

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles