Ilhan oo markii shanaad ku guuleysatay doorashada Aqalka Wakiillada Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka ayaa markii shanaad ku guuleysatay doorashada Aqalka Wakiillada Mareykanka, kaddib markii ay mar kale ka adkaatay musharraxiintii la tartamayay natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada Maraykanka.

Ilhaan ayaa ku guuleysatay inay sii haysato kursiga degmada 5-aad ee gobolka Minnesota, oo ay ku metelayso Aqalka Wakiillada tan iyo sannadkii 2019, xilli ay dagaal xooggan kala kulantay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo asbuucyadii la soo dhaafay baaritaan iyo dacwado xooggan ka gudbiyey.

Guusha kadib, Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa gaartey goob ay isugu soo bexeen kumanaan kamid ah taageerayaasheeda oo Soomaali u badan, kuwaasi oo muujinayey sida ay ugu faraxsan yihiin guusheeda, xilli xisbiga dimuquraadigu uu hantay ilaa 6 kamid ah kuraastii xisbiga Jamhuurigu horay ugu fadhiyey.

“Waa idinka mahadcelinayaa sida aad ii garab taagan tihiin, waana ogahay in dad badan qaraaraayaan laakiin Alle mahaddiis anigu guulayste ayaan ahay, waxaan horseed u ahay in Soomaali badan laga doorto Maraykanka waana ku faanayaa, waxaan u malaynayaa intaas inay inagu wada filan tahay, congress markaan ku laabto waa ila wada laabanaysiin”, Ayey tiri xildhibaan Ilhaan Cumar.

WARARKII KALE

Maraakiib dagaal oo Turkiga leeyahay oo galbinaya markab kalluumeysi oo ku soo wajahan Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in maraakiibta dagaalka ee...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay arrimaha difaaca iyo amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsinimo ka guddoomay Safiirka Cuman

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada...

Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Golaha Ammaanka QM oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishan Nofeembar kulan...

Axmed Madoobe oo ku wajahan Garoowe maxaa uu kala hadlayaa Deni?

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles