Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee hayay dacwada Dastuurka cusub

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo xilkaas dib ugu magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan oo horay u soo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Go’aanka madaxweynaha ayaa yimid kaddib cabashooyin la xiriira hufnaanta iyo habsami u socodka garsoorka oo ay muujiyeen garsoorayaal, hawl-wadeennada hay’adaha garsoorka iyo xirfadlayaasha sharciga, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in magacaabistan ay qayb ka tahay qorshe dib-u-habeyn loogu sameynayo hay’adaha garsoorka, kaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo hufnaanta, madax-bannaanida garsoorka iyo kalsoonida shacabka ee nidaamka caddaaladda dalka.

Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa markii ugu horreysay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare loo magacaabay bishii Luulyo 2011, wuxuuna xilka hayay ilaa May 2016. Waxa uu sidoo kale soo noqday la-taliyaha dhinaca sharciga ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu ilaaliyo madax-bannaanida garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay.

WARARKII KALE

Hogaamiyaha hirshabelle  oo ka qeyb galay munasabda caleema saarka hogaamiyaha galmudug

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Madaxweyne xasan sheekh oo ka qeyb galay munasabda caleema saarka hogaamiyaha galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyihii maxkamdda sare ee dalka oo qaadacay xil ka qaadistii lagu sameeyay

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf...

MW Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb, halkaas oo ay ku sugan yihiin mucaaradkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Baraawe kula hadlay ciidamada la wareegay amniga magaalada

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed...

AUSSOM iyo Jubbaland oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee Kismaayo

Taliyaha Ku-xigeenka Qaybta Labaad ee Hawlgalka Midowga Afrika ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles