Taliyaha Ku-xigeenka Qaybta Labaad ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Kornayl Daanyeel Musau, ayaa magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), oo qayb ka ah howlgalka AUSSOM, iyo maamulka Jubbaland.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda amniga, dadaallada xasilinta iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hoggaanka ciidamada iyo maamulka deegaanka, si wax looga qabto caqabadaha amni ee ka jira deegaannada Jubbaland.
Kornayl Musau ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hoggaanka Jubbaland, si loo gaaro yoolalka amni ee loo igmaday qaybta labaad ee howlgalka AUSSOM.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada hoggaanka AUSSOM ee qaybta labaad uu ku xoojinayo xiriirka madaxda Jubbaland, si loo taageero nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.


