Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Baraawe kula hadlay ciidamada la wareegay amniga magaalada

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa duleedka magaalada Baraawe kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 8-aad ee Qaybta 60-aad iyo Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Qaybta 1-aad.

Booqashada Taliyaha ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen mas’uuliyadda amniga magaalada Baraawe, kaddib bixitaankii ciidamada Midowga Afrika ee halkaasi ku sugnaa.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, 5-ta November 2026, Taliyaha ayaa ciidamada u jeediyay dardaaran iyo dhiirrigelin la xiriirta gudashada waajibaadka qaran ee saaran, isaga oo adkeeyay muhiimadda feejignaanta, geesinnimada, isku-duubnida iyo ilaalinta amniga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu ciidamada kula dardaarmay inay muujiyaan diyaar-garow buuxa, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadkooda, kana faa’iideystaan fursad kasta oo ay ku wiiqi karaan awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuna sugi karaan amniga deegaannada laga xoreeyay.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn ku boorriyay ciidamada inay sii xoojiyaan dadaalkooda, muujiyaan karti iyo waddaniyad, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo ka xor ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Magaalada Baraawe oo ah magaalo xeebeed istaraatiiji ah, kuna taalla gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa muhiimad gaar ah u leh sugidda amniga iyo howlgallada ciidamada dowladda ee deegaannada Koonfur Galbeed.

WARARKII KALE

Hogaamiyaha hirshabelle  oo ka qeyb galay munasabda caleema saarka hogaamiyaha galmudug

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Madaxweyne xasan sheekh oo ka qeyb galay munasabda caleema saarka hogaamiyaha galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyihii maxkamdda sare ee dalka oo qaadacay xil ka qaadistii lagu sameeyay

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf...

MW Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb, halkaas oo ay ku sugan yihiin mucaaradkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo...

AUSSOM iyo Jubbaland oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee Kismaayo

Taliyaha Ku-xigeenka Qaybta Labaad ee Hawlgalka Midowga Afrika ee...

Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee hayay dacwada Dastuurka cusub

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilka ka qaaday...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles