munasabada caleema saarka Hogaanka hirshabelle oo maanta jowhar lagu qabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax iyo Guddoonka Golaha Wakiillada, taasi oo ka dhacday magaalada Jowhar.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya xal u helidda tabashooyinka siyaasadeed ee reer Hiiraan ayaa munaasabadda kaga dhawaaqay in caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle la siiyay reer Hiiraan, iyada oo loo marayo habraacyada lagama maarmaanka ah iyo nidaamka dowliga ah.

“Walaalaha reer Hiiraan ee tabashada qaba waxaan leeyahay, caasimaddii waa la idiin siiyay, iyadoo dhammaystirka arrintaas loo maridoono habraacyada dowliga ah, waxaana muhiim ah in aad soo bandhigtaan magaalo-madax u qalanta caasimad, isla markaana ay si wadajir ah ugu wada noolaan karaan madaxda iyo dhammaan bulshada deggan maamulka”.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hambalyo u diray hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isaga oo ku adkeeyey muhiimadda ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada reer Hirshabeelle, si loo xoojiyo dowladnimada iyo horumarka deegaanka.

WARARKII KALE

Saacid oo ka digay wiiqidda hay’adaha madaxa-bannaan iyo sharciga oo loo leexiyo rabitaanka madaxda

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),...

Cabdifataax Afrax oo Beledweyne ku soo bandhigay ciidamo taageersan Hirshabeelle

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, oo ku...

 Masar, Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay in amniga Badda Cas ay mas’uul ka yihiin dalalka xeebaha leh

Dowladda Masar ayaa wadahadallo cusub la yeelatay Soomaaliya iyo...

Kheyre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay dilka saddex qof oo lagu toogtay Deyniile

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

Loolan xooggan oo loogu jiro kuraasta Golaha Wasiirrada cusub ee Galmudug

Loolanka loogu jiro xubnaha Golaha Wasiirrada cusub ee maamulka...

Jubbaland oo Xasan Sheekh ku eedeysay inuu kala dirayo umadda Soomaaliyeed

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Jubbaland, Maxamed Sayid Aadan, ayaa eedeymo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles