Ugaaska Beesha Murusade oo dadkiisa ugu baaqay inay is difaacaan

Ugaaska Beesha Murusade, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhacdooyinkii shalay ka dhacay Xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile, halkaas oo uu sheegay inay ka dhaceen falal la xiriira dhul-boob, barakicin iyo tacaddiyo ka dhan ah shacabka.

Ugaaska ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku waxyeelloobay dhacdooyinkaasi, isaga oo Alle uga baryay inuu u naxariisto dadkii geeriyooday, caafimaad degdeg ahna siiyo dhaawacyada.

Ugaas Cabdirisaaq ayaa si adag uga soo horjeestay waxa uu ku tilmaamay dhul-boob iyo barakicin ka dhacay deegaanka Warlaliska, wuxuuna sheegay inay tahay wax laga xumaado in shacabka Soomaaliyeed awood ciidan lagu cabburiyo, lagana duudsiyo xuquuqdooda dhuleed, iyadoo sida uu sheegay horey heshiis rasmi ah looga gaaray arrimaha dhulka deegaanka.

Wuxuu dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha amniga ugu baaqay inay joojiyaan falalka uu sheegay inay ka dhanka yihiin shacabka, isla markaana ay dhowraan heshiisyadii horey loo gaaray.

Sidoo kale, Ugaasku wuxuu shacabka degmada Dayniile ugu baaqay inay si mideysan u difaacdaan dhulkooda iyo xuquuqdooda, iyagoo ilaalinaya nabadda iyo wadajirka bulshada.

“Dhulka Warlaliska waa hanti shacabka, mana aqbali karno in xoog lagu maquuniyo ama xaqooda lagu duudsiyo,” ayuu yiri Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi.

Hadalka Ugaaska Beesha Murusade ayaa kusoo aadaya iyadoo xiisad ka dhalatay muranka dhulka iyo dhacdooyinka ka dhacay Warlaliska ay hadal-heyn ka dhex dhalisay bulshada degmada Dayniile.

WARARKII KALE

Kheyre oo digniin culus u diray saraakiil uu ku eedeeyay dhul-boob iyo barakicin ka socda degmada Dayniile

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Midowga Afrika iyo EU oo ka digay burburka AUSSOM iyo dib-u-dhaca dagaalka Al-Shabaab

Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka...

QOOR QOOR “Lafta-gareen waa la xiriiraynnaa, wafdina waa u diraynnaa”

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor),...

Odawaa oo MW Xasan Sheekh ku eedeeyay xiisadaha Lafta-gareen iyo Ugaas Yuusuf

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku...

Maraykanka oo Iraq ka codsaday inay xirto inta badan xuduudaha ay la wadaagto Iran

Wasiirka arrimaha dibadda Iraq, Fu’aad Xuseen, ayaa sheegay in...

Trump oo digniin culus u diray Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inay aad u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles