Fiqi oo mucaaradka ku dhaliilay aamusnaanta safiirka Israa’iil ee Hargeysa

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadallo kulul u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay ka aamusan yihiin arrinta safiirka Israa’iil ee la sheegay inuu tagay magaalada Hargeysa.

“Kuwa Imaaraadka lacagaha soo siiyay ee jabhadaha sameeya la yiri, hal nin oo ka hadli kara safiirka Yuhuudda ee Hargeysa ma leh,” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga.

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda amni ee magaalada Baraawe, isagoo sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen magaalada kaddib markii ay halkaas ka baxeen ciidamada Uganda oo muddo 13 sano ah joogay.

“Ciidankeenna ayaa la wareegay magaalada Baraawe markii ay ka baxeen ciidamada Uganda ee 13-sano joogay,” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.

Hadallada wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta arrimaha gudaha, xiriirka dibadda iyo joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee dalka.

WARARKII KALE

Mucaaradka oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Xamsa ee jihada dalka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta...

Burundi oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Dowladda Burundi ayaa wada qorshe ay ciidamadeeda uga soo...

Qaramada Midoobay oo sharci-darro ku tilmaantay xil-ka-qaadistii Baashe Yuusuf

Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay oo sharci-darro ku tilmaamay...

RW Xamsa “Dalka waxaan u wadnaa meel aan la garanayn”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadallo siyaasadeed...

Iiraan oo weerartay xarun milatari oo Mareykanku ku leeyahay Baxreyn

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa...

Trump oo hanjabaad u diray Iiraan

Wareysi uu siiyay shabakadda wararka ee “Salem News”, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles