Guddomiyaha Barlamaanka Iiraan oo weerar afka ku qaaday wasiir Maraykan ah

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa ka jawaabay hadallo uu dhawaan jeediyay Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, kuwaas oo uu erayo aflagaaddo ah kula hadlay madaxda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Qalibaf ayaa sheegay in Scott Bessent ay u fiicnaan lahayd inuu ka fikiro “guuldarrooyinkiisa istaraatiijiyadeed”.

Qalibaf ayaa yiri: “Qof cabsi darteed gurigiisa uga cararay oo u wareegay goobo ciidan oo gabbaad ah, isaga oo ka baqaya hanjabaado, waxaa habboon inuu ka fikiro guuldarrooyinkiisa istaraatiijiyadeed ee Gacanka Faaris, halkii uu ummadaha waaweyn aflagaaddayn lahaa.”

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, oo dhawaan gurigiisa uga guuray saldhig milatari sababo la xiriira hanjabaado la sheegay inay Iran ka yimaadeen, ayaa wareysi uu Jimcihii siiyay telefishinka CNBC wuxuu hoggaamiyeyaasha Iran kula hadlay erayo meel ka dhac ah. Wuxuu sheegay inuusan ka baqayn “hanjabaadaha Iran ee naftiisa loo jeediyay”.

Wareysigaas, wuxuu sidoo kale Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ku tilmaamay “xayawaan khatar ah oo dabin ku jira”.

Marka laga soo tago Qalibaf, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa isaguna maanta ka jawaabay hadallada Scott Bessent.

Iran ayaa beenisay inay qorshaynayso weerarro ka dhan ah mas’uuliyiin ama shakhsiyaad ku sugan gudaha Mareykanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Urdun oo dil toogasho ku xukuntay saddex nin oo lagu helay in ay weerar gaysteen

Maxkamad ku taalla Urdun ayaa dil toogasho ah ku...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gogoshii...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Xamsa ee jihada dalka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles