Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gogoshii dowladdu u fidisay mucaaradka ay weli fidsan tahay.ka dib markii aysan qabsoomin shirkii ay dowladdu u mudaysay inuu qabsoomo maalintii shalay.

Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayey munaasabad lagu dhagax-dhiga dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka iyo Isbitaalka Xoogga dalka, isagoo mar kale ku celiyey in gogosha uu fidiyey ay wali tahay mid fidsan.

“Weligeed nin cararay oo ajnanbi aaday maslaxad kama keenin, waa run in khilaafku u baahan yahay in la xaliyo, anngu marwalba afartii sano iyo jarjarkii an joognay gogol Soomaaliyeed ayaa fidsnayd oo dowladdu fidinaysay oo dadka u yeeraysay welina mowqifkeedu waa sidii, nabad baan rabnaa, walaalnimaa rabnaa, midniaan rabnaa, dadka Soomaaliyeed dhammaan dowlad ay wada leeyihiin oo taladoodu ku wada jirtaa rabnaa”ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Isagoo ka hadlayey dhanka farsamada iyo qabsoomida gogoshaas ayuu xusay in laga yabao in farsamooyin iyo waxyaabo iska dhiman yihiin basle wadatashiyo iyo kala warqaasho wanagsan ay socoto.

Waxaa madaxweynuhu xusay in mustaqbalka uu rajayno in wadahadal laga isugu yimaado miiska korkiisana wax ka reeban aysan jirin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Urdun oo dil toogasho ku xukuntay saddex nin oo lagu helay in ay weerar gaysteen

Maxkamad ku taalla Urdun ayaa dil toogasho ah ku...

Guddomiyaha Barlamaanka Iiraan oo weerar afka ku qaaday wasiir Maraykan ah

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa ka jawaabay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Xamsa ee jihada dalka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles