Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Charles King, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta tagay magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.
Safiirka Ingiriiska ayaa ka mid ah diblomaasiyiinta caalamiga ah ee ku howlan dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan muranka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xaaladda Puntland iyo hawlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulkaas.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya la isugu keeno, si xal looga gaaro khilaafaadka ka taagan hannaanka siyaasadeed iyo arrimaha doorashooyinka dalka.


