Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib muranka sharci iyo siyaasadeed ee ka dhashay muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu qoray wargeyska caalamiga ah ee Africa Intelligence.

Warbixinta ayaa sheegaysa in go’aankii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee la xiriiray muddo-kordhinta Madaxweynaha uu sare u qaaday suurtagalnimada in Bangiga Adduunku hakiyo dhaqaalaha uu ku taageero dowladda Muqdisho.

Wargeyska ayaa tilmaamay in xaaladdan ay la mid noqon karto tii Soomaaliya soo wajahday xilligii dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, markaas oo khilaafkii siyaasadeed iyo murankii doorashada ay sababeen hakad ku yimid taageerada miisaaniyadeed ee caalamiga ah.

Taageerada Bangiga Adduunka ayaa muhiim u ah miisaaniyadda dowladda Soomaaliya, maadaama dhaqaalahaas qeyb ka yahay maalgelinta howlaha dowladda iyo barnaamijyada dib-u-habeynta hay’adaha dalka.

Haddii hakinta la tixgeliyo ay dhab noqoto, waxay dowladda Federaalka ku keeni kartaa cadaadis dhaqaale oo dheeraad ah, xilli ay dalka ka taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira dastuurka, muddo-xileedka hay’adaha dowladda iyo hannaanka doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, Africa Intelligence waxay ka hadashay arrin Bangiga Adduunku ka fiirsanayo, mana jirto xaqiijin muujinaysa in go’aan rasmi ah oo lagu joojinayo taageerada miisaaniyadda Soomaaliya la gaaray.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

Danjiraha Turkiga oo kordhiyay kulamada uu la yeelanayo siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya

Danjiraha dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles