Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka, ayaa howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo lagu beegsaday deegaanka Guudale oo ku yaalla duleedka Moora-Hagar, una jira magaalada Xudur qiyaastii 19 KM dhanka koonfur-bari.
Horjoogaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhaayow ayaa la sheegay inuu maleeshiyaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa ururinta lacagaha iyo xoolaha ay kooxda ugu yeerto Sakawaadka, kuwaas oo si baad ah looga qaado shacabka ku nool gobolka Bakool.
Taliska Guutada 6-aad ayaa sheegay in muddo ay la socdeen dhaq-dhaqaaqyada horjoogahan, kaas oo lagu eedeeyay inuu dhibaato iyo baad ku hayay shacabka ku nool deegaannada gobolka Bakool.
Taliska ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay howlgallo qorsheysan oo lagu beegsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, isagoo xusay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka socda deegaannada gobolka Bakool.
Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool
NAGU SOO BIIR


