Ciidamada Itoobiya oo qaaday tallaabo loogu hortagayo maleeshiyaadka Lafta gareen

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa saacadihii ugu dambeeyay sameeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan horay looga baran, iyadoo ciidamo fara badan lagu arkay waddooyinka iyo xaafadaha magaalada.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay tan iyo shalay wadeen roondooyin ay ku gaaf-wareegayaan qaybo kala duwan oo magaalada ah, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan sababta ka dambaysa dhaqdhaqaaqyadan.

Ilaa hadda ma cadda ujeeddada rasmiga ah ee roondooyinkan iyo in ay la xiriiraan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, inkastoo wararka ay sheegayaan in ujeedka ugu weyn ee tallabadan ay tahay sidii looga hortagi lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kuwa Lafta gareen.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqyadan ayaa imanaya xilli taliyaha qaybta saddexaad ee ciidamada Itoobiya, Sarreeye Guuto Hashim Mohammed, uu dhawaan kormeer ku sameeyay fariisimaha ciidamada Itoobiya ee Baydhabo iyo deegaanno kale, isagoo askarta faray inay sare u qaadaan feejignaanta, gaar ahaan khataraha weerarrada maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale door ku leh xaaladda amni ee gobolka Baay, halkaas oo ay ka jiraan xiisado iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la xiriira khilaafka u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo xoogagga taabacsan madaxweynihii hore Cabdicasiis Lafta-gareen.

WARARKII KALE

Erdogan oo qaaday tallaabo halis ah

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in madaxweynaha dalkaas, Recep Tayyip...

Somaliland oo ciidamo dheeraad ah u dirtay gobolka Awdal

Xukuumadda Somaliland ayaa go’aansatay in ciidamo dheeraad ah oo...

Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dhulka oo kulamo amni ka wada Baydhabo iyo Baraawe

Taliyeyaasha sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo...

Uganda oo ku hanjabtay in ciidamadeeda ay la baxayso

Uganda ayaa ku dhawaaqday inay ciidamadeeda kala baxayso magaalada...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay waxa ugu weyn ee ay ka filayaan Eritrea

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in Itoobiya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles