Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay in xaaladda gaajada ay si weyn uga sii dari doonto 16 goobood oo dunida ka mid ah lixda bilood ee soo socda. Arrintan ayaa waxaa ugu weyn ee sababaya colaadaha sii kordhaya, barakaca dadka iyo xaaladaha cimilo ee aadka u daran oo uu uga sii daray isbeddelka cimilada ee El Niño.
Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) iyo Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa sheegay in dalalka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ay yihiin kuwa ugu walaaca badan, iyadoo ay jirto khatar macquul ah oo ah in macaluul ka dhacdo.
Waqooyiga Nigeria, Yemen iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa inay si ba’an u saameeyaan xaaladdan.
Hay’adaha ayaa sheegay in sare u kaca qiimaha cuntada, bacriminta beeraha iyo tamarta uu gacan ka geystay kororka gaajada adduunka. Waxay sidoo kale ka digeen in dhimista weyn ee miisaaniyadda gargaarka bani’aadannimo ay wiiqayso dadaallada looga hortagayo masiibo bini’aadannimo.
Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo Qaramada Midoobay digniin ka soo saartay
NAGU SOO BIIR


