Danjirihii hore ee Itoobiya u fadhiyey Muqdisho, Suleymaan Dedefo, ayaa sheegay in dadaallada dhexdhexaadinta siyaasadeed ee Soomaaliya aysan guuleysan karin haddii aysan Itoobiya qayb ka ahayn.
Dedefo ayaa xusay in Itoobiya ay muddo dheer door ku lahayd arrimaha Soomaaliya, isaga oo tusaale u soo qaatay heshiisiinta siyaasiyiinta iyo martigelinta Soomaalidii ka barakacday colaadaha dalka.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay naf iyo maalba ku bixisay xoraynta Soomaalida, isla markaana ay weli taageersan tahay Soomaaliya madax-bannaan oo dib u hanata kaalinteedii caalamka.
Dhinaca kale, danjirihii hore ayaa walaac ka muujiyey waxa uu ku tilmaamay in Soomaaliya ay hoy u noqotay xoogag shisheeye oo doonaya inay khalkhal geliyaan amniga Itoobiya.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay weli taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa, gaar ahaan arrimaha amniga, madaxbannaanida iyo saamaynta Itoobiya ku leedahay siyaasadda Soomaaliya.


