Monday, December 29, 2025

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Beerta Ummadda ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay Beerta Ummadda ee gobolka Banaadir, oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid loogu tala-galay helitaanka goobo nasiino iyo dalxiis oo bulshada ka wada dhaxeeya, taasi oo ardeyda, dalxiisayaasha iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada fursad u siineysa in ay isugu yimaadaan.

Mashruucaan ayaa laga hirgelinaya Degmada Waaberi gaar ahaan meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadda dhagax dhigga uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Waaberi Mudane Maxamed Sayid Cali, agaasimeyaal iyo qeybaha kala geddisan ee bulshada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha wadatashiga Qaranka oo ka horyimid damaca Israa’iil

Goluhu wuxuu mar kale si cad u adkeeyay in...

Midowga Baarlamaanada Carabta oo diiday damaca Israa’iil ee Somalilan

Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa si cad u muujiyey diidmadiisa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay MW Jabuuti

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada...

Golaha ammaanka ee Q.M oo shir deg deg maanta ka yeelanaya aqoonsiga Somaliland ee Israaiil

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan aan...

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen oo hanjabaad u diray Soomaaliland kadib aqoonsiga Israa’iil

Hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen, Cabdulmalik Al-Xuutii, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles