Madaxa Hay’adda SODMA oo la kulmay Qaramada Midoobay iyo Xafiis Goboleedka Carabta

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa dalka Kuwait kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka Kamal Kishore.

Guddoomiyaha oo sidoo kale la kulmay Madaxa Xafiiska Goboleedka UNDRR ee waddamada Carabta Marwa Nora Achkar,waxaa guud ahaan dhinacyadaasi ay isla soo qaadeen doorka hey’adaha iyo sida wax looga qaban karo masiibooyinka dabiiciga ah.

Xubnihii ka socdat Qaramada Midoobay,xafiis goboleedka  wadamada Carabta iyo Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya waxa ay isla gartay in la sii xoojiyo dadaallada lagu dardar gelinayo hirgelinta Istaraatiijiyadda Qaran ee lagu yareynayo Khataraha Musiibooyinka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dadaallada caalamiga ah ee kobcinta awoodaha dowliga ah si loo xaddido khataraha musiibooyinka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmad oo ka wada hadlay Xaalada Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho shaqo oo hal...

Ciidamada Badda Puntland oo weeraray markabka Honour 25

Ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaaday markabka HONOUR 25,...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan...

Booliiska Baydhabo oo qabtay rag lagu eedeeyay Al-Shabaab

Booliiska degmada Baydhabo ayaa sheegay in howlgal ay gudaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles