Friday, March 21, 2025

Sweden oo xukun ku riday nin u safray Daacish-ta Soomaaliya

Maxkamad ku taalla Sweden ayaa Jimcaha maanta ah xukun saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah ku riday nin lagu helay inuu ku biiray kooxda Daacish (IS), taasoo ka dhigaysa kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo ka mid noqoshada koox argagixiso tan iyo markii la meel mariyay sharci cusub.

Ninkan 22 jirka ah ayaa lagu helay dambi ah “ka qaybgalka urur argagixiso,” maalgelinta argagixisada, iyo saddex mar oo uu u safray dalal shisheeye ujeeddooyin argagixiso darteed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda.

Maxkamaddu waxay caddeysay in dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay ay la xiriireen Daacish, safarraduna ay dhammaantood ahaayeen Soomaaliya.

Waxaa lagu riday saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah.

Kiiskan ayaa ah kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo “ka qaybgalka urur argagixiso” tan iyo markii baarlamaanka Sweden uu ansixiyay sharcigan sannadkii 2023.

Sweden ayaa xoojineysay shuruucda la dagaallanka argagixisada tan iyo 2017, kadib markii qof u dhashay Uzbekistan oo daacad u ahaa Daacish uu gaari ku jiiray dad marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Stockholm, halkaas oo ay ku dhinteen shan qof.

Si kastaba ha ahaatee, sharciga mamnuucaya ka mid noqoshada kooxaha argagixisada ayaa loo baahday in marka hore la beddelo dastuurka Sweden, maadaama uu ka hor imaanayay xorriyadda ururaysiga ee dalkaas.

Ansixinta sharcigan ayaa sidoo kale kusoo aaday xilli Turkiga uu hakad geliyay dadaalladii Sweden ay ku dooneysay inay ku biirto NATO, iyadoo Ankara ay ku adkeysanaysay in Sweden ay tallaabo adag ka qaaddo kooxaha xagjirka ah.

Kadib duullaankii Ruushka uu ku qaaday Ukraine, Sweden waxay soo afjartay laba qarni oo ay ka fogaaneysay isbahaysiyada ciidan, waxayna codsatay inay ku biirto NATO bishii May 2022 – ugu dambeyntiina waxay si rasmi ah xubin uga noqotay Maarso 2024.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles