Madaxweynaha JFS oo Ka Qeyb Galaya Meertada 38aad Ee Shir Madaxeedka Africa

Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, halkan oo uu kaga qeyb galayo Shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayo mustaqbalka iyo danaha guud ee qaaradda.

Madaxda Afrika ayaa u ballansan doorashada hoggaanka cusub ee Midowga Afrika iyo ku-xigeennadiisa, xoojinta nabadda, midnimada iyo madaxbannaanida dalalka qaaradda iyo ajendayaal kale oo laf-dhabar u ah jihaynta Midowga Afrika, sanadaha soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Adis Ababa, waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa Madaxda ka soo qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Waftiga Madaxweynaha ee ku wehelinayey safarkan shaqo ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi, Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Agaasimaha Madaxtooyada Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles