Saturday, March 22, 2025

Madaxa Hay’adda SODMA oo la kulmay Qaramada Midoobay iyo Xafiis Goboleedka Carabta

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa dalka Kuwait kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka Kamal Kishore.

Guddoomiyaha oo sidoo kale la kulmay Madaxa Xafiiska Goboleedka UNDRR ee waddamada Carabta Marwa Nora Achkar,waxaa guud ahaan dhinacyadaasi ay isla soo qaadeen doorka hey’adaha iyo sida wax looga qaban karo masiibooyinka dabiiciga ah.

Xubnihii ka socdat Qaramada Midoobay,xafiis goboleedka  wadamada Carabta iyo Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya waxa ay isla gartay in la sii xoojiyo dadaallada lagu dardar gelinayo hirgelinta Istaraatiijiyadda Qaran ee lagu yareynayo Khataraha Musiibooyinka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dadaallada caalamiga ah ee kobcinta awoodaha dowliga ah si loo xaddido khataraha musiibooyinka.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles