Thursday, November 13, 2025

48 ku dhimatay qod macdanta laga qodo

Ugu yaraan 48 qof ayaa Sabtidii shalay dhimatay, ka dib markii uu dumay god dahabka laga qodo oo aan rukhsad loo haysan, kaas oo ku yaalla galbeedka dalka Mali, sida ay saraakiisha iyo ilo maxalli ahi u sheegeen wakaaladda wararka ee Agence France-Presse (AFP).

Mali waxay ka mid tahay dalalka ugu waaweyn ee soo saara dahabka Afrika, balse goobaha macdanta ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca dhul-goyn halis ah iyo shilal nafeed.

Dowladda Mali waxay la daalaa-dhacaysaa xakameynta qodista aan sharciyeysneyn ee macdanta qaaliga ah, iyadoo dalkaasi uu ka mid yahay kuwa ugu saboolsan caalamka.

“Wadarta dhimashadu waa 48 ka dib markii uu dhacay dhul-go’,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska deegaanka. Dadka dhintay badankoodu waa dumar da’yar, oo ay ku jirto haweeney ilmaheeda xambaarsanayd.

Boubacar Keita, oo ka tirsan ururka baareyaasha dahabka ee Kenieba, ayaa sidoo kale xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 48 qof.

“Goobtan waa mid sharci-darro ah. Waxaa jira xiriir qorsoon oo lagu wada shaqeysto,” ayuu yiri nin madax ka ah urur deegaanka ka shaqeeya, isagoo intaas ku daray in weli ay socdaan dadaallada lagu raadinayo maydadka dadkii dhintay.

Shilka Sabtidii wuxuu ka dhacay goob horey looga qoday dahabka oo ay maamuli jirtay shirkad Shiine ah, sida ilo wareedyo ay u sheegeen AFP.

Bishii January, dhul-go’ ka dhacay goob dahabka laga qodo oo ku taalla koonfurta Mali ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof, halka kuwa kale weli la la’ yahay. Dhibanayaasha badankoodu waxay ahaayeen haween.

Sanad ka hor, god macdanta laga qodo oo ku yaallay isla gobolka uu shilkii Sabtidii ka dhacay ayaa dumay, kaasoo sababay dhimashada in ka badan 70 qof.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay bilaabashada qeybinta kaararka codbixinta ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Go’aano culus ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhammaaday...

Farmaajo oo ku soo wajahan Muqdisho iyo loolan siyaasadeed uu ka bilaabayo G/Banaadir

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu...

Madaale oo sheegay in Xisbiga MW Xasan Sheekh ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),...

Madaxweyneyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles