Monday, March 2, 2026

48 ku dhimatay qod macdanta laga qodo

Ugu yaraan 48 qof ayaa Sabtidii shalay dhimatay, ka dib markii uu dumay god dahabka laga qodo oo aan rukhsad loo haysan, kaas oo ku yaalla galbeedka dalka Mali, sida ay saraakiisha iyo ilo maxalli ahi u sheegeen wakaaladda wararka ee Agence France-Presse (AFP).

Mali waxay ka mid tahay dalalka ugu waaweyn ee soo saara dahabka Afrika, balse goobaha macdanta ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca dhul-goyn halis ah iyo shilal nafeed.

Dowladda Mali waxay la daalaa-dhacaysaa xakameynta qodista aan sharciyeysneyn ee macdanta qaaliga ah, iyadoo dalkaasi uu ka mid yahay kuwa ugu saboolsan caalamka.

“Wadarta dhimashadu waa 48 ka dib markii uu dhacay dhul-go’,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska deegaanka. Dadka dhintay badankoodu waa dumar da’yar, oo ay ku jirto haweeney ilmaheeda xambaarsanayd.

Boubacar Keita, oo ka tirsan ururka baareyaasha dahabka ee Kenieba, ayaa sidoo kale xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 48 qof.

“Goobtan waa mid sharci-darro ah. Waxaa jira xiriir qorsoon oo lagu wada shaqeysto,” ayuu yiri nin madax ka ah urur deegaanka ka shaqeeya, isagoo intaas ku daray in weli ay socdaan dadaallada lagu raadinayo maydadka dadkii dhintay.

Shilka Sabtidii wuxuu ka dhacay goob horey looga qoday dahabka oo ay maamuli jirtay shirkad Shiine ah, sida ilo wareedyo ay u sheegeen AFP.

Bishii January, dhul-go’ ka dhacay goob dahabka laga qodo oo ku taalla koonfurta Mali ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof, halka kuwa kale weli la la’ yahay. Dhibanayaasha badankoodu waxay ahaayeen haween.

Sanad ka hor, god macdanta laga qodo oo ku yaallay isla gobolka uu shilkii Sabtidii ka dhacay ayaa dumay, kaasoo sababay dhimashada in ka badan 70 qof.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Jubbaland iyo Puntland oo u yeertay xildhibaanada ku matala BFS

Madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wadatashi ugu yeertay...

Magacyada Saraakiishii ugu sareysay Iran ee la dilay

Tiro ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Iiraan ayaa...

Taliyaha ciidamada xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Ciidamada Amniga oo qabtay nin miino ku aasi rabay Marka

Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka ayaa gacanta ku dhigay...

Hoggaamiyihii Iran oo duqeyn lagu dilay

Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyihii Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles