Wednesday, March 19, 2025

Mareykanka oo dilay dagaalamayaal katirsan Daacish

Mareykanka ayaa soo saaray warbixin ay kaga hadlayaa duqeymo lagu beegsaday ISIS oo xalay laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee Puntland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyay duqeymahaasi uu fuliyay Mareykanku.

Waxaana  duqeynta ay dhacday 16 Feb oo ku beegan xalay lagu beegsaday dagaallamayaasha kooxda Daacish, kaddib iskaashi lala sameeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika (U.S. Africa Command) ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo ka dhan ah ISIS-Somalia, taasoo ka dhacday waqooyiga bariga Soomaaliya 16-ka Febraayo, 2025” ayaa lagu yeri qoraalka kasoo baxay AFRICOM.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in qiimeynta hordhaca ah ee AFRICOM ay muujisay in laba dagaalamae oo ka tirsan dagaallamayaasha Daacish in lagu dilay duqeynta, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray rayidka,.

“Qiimeyntii hore ee taliska waxay muujineysaa in duqeynta lagu dilay laba dagaalyahan oo ka tirsan ISIS, mana jirin waxyeello soo gaartay shacabka. Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu sii wadi doonaa qiimeynta natiijooyinka howlgalkan wuxuuna bixin doonaa macluumaad dheeraad ah haddii loo baahdo. Si loo sugo amniga hawlgallada” sidaasi ayaa ku xusan Warsaxaafadeedka ka soo baxay Militariga Mareykanka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 19/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Hoobiyeyaal lagu garaacay Xarunta Xalane ee Muqdisho

Weerar Madafiic Hoobiyeyaal ah ayaa duhurnimadii maanta lagu qaaday...

Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga oo cambaareeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Dowladda Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u...

Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin sharci kasto oo ka soo baxa DFS

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 18/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Jiidaha Hore ee Dagaalka Ka Dhanka AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles