Friday, March 14, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay Isbitaal casri ah oo Muqdisho laga hirgaliyey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay maalgelinta adeegyada caafimaadka oo, baahi weynna ay u qabaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mashruucan hirgeliyey, waxa uuna xusay in dadaallada noocaan ah ay qeyb ka yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta safarrada caafimaad ee dibadda.

“Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa. Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota, kaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta 6 Isbitaal oo laga dhisayo dhammaan Soomaaliya iyo sare u qaadidda tayada caafimaad ee dalka.

Isbitaalka Hodan ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu xarigga ka jaray ayaa lagu hirgeliyey maalgelin ka badan $12 milyan oo dollar, iyadoo la qorsheynayo in lagu dabiibo cudurro badan oo dalka dibaddiisa loo aadi jiray, caqabado iyo culaysna ku ahaa dadkeenna Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 14/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Suudaan oo iska diiday qorsho uu waday Mareykanka

Sida ay shaacisay wakaalad wararka AP Mareykanka iyo Israa’iil...

Itoobiya iyo Ruushka oo ku heshiiyay in ay ka wada shaqeeyaan dhinaca ciidamada badda

Wafdi uu hoggaaminayo taliye ku xigeenka ciidamada badda Ruushka...

Weerar lagu qaaday Askar ka tirsan Kenya

Kooxa hubeysan ayaa Xaduudka magaaloyinka Baladxaawo iyo Mandhera ku...

Qoor qoor oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor...

MW Xasan Sheekh oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles