Wasiir Biixi oo ka qayb galay kulan looga hadlyay mashaariicda horumarineed ee waddamada gobolka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia laguna qabanayo shirka 𝟐𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirada Maaliyadda Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) ayaa ka qeyb galay madal ra’yi is weydaarsi aheyd, heer keeduna sareeyay oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirrada Maaliyadda dalalka geeska iyo ku dhawaad 300 oo marti dadweyne matalaya dalalka geeska.

Doodda oo muhiimadeedu ahayd sidii loo fulin lahaa mashaariicda horumarineed ee ka dhexeeya dalalka ku bahoobay madashan ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS waxa uu si gaar ah diiradda ugu saaray jawaabihiisa, in ay muhiim tahay in la fududeeyo isku socodka ganacsiga xuduudaha iyo maalgalinta ilaha dhaqaalaha si looga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii loo helilahaa maalgalin dhinacyo badan ah, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka taas oo horseed u naqonaysa in laga maarmo ku tiirsanaanta taakulooyinka dibadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xasan Sheekh oo warqadaha Danjirnimo ka guddoomay Safiirrada Turkiga iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka...

Wafdiga waan-waanta wada oo la kulmay A/Madoobe

Wafdi qeyb ka ah dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed...

Turkiga oo si weyn ugu dhex milmay colaadda siyaasadeed ee Soomaaliya

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa warbixin ay ka qortay...

Uganda iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay arrinta AUSSOM

Dowladda Uganda ayaa Midowga Yurub kala hadashay mustaqbalka howlgalka...

Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay xilka madaxweynaha deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles