Monday, December 29, 2025

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐€๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐›๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐Œ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐๐๐š ๐€๐š๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐ค๐จ๐จ๐๐š

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabadda 55-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa hambalyo u diray qeybaha kala duwan ee Ciidanka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Asluubtu ay ku leeyihiin dib-u-habaynta ciidanka iyo horumarinta nidaamka caddaaladda, iyaga oo ka shaqeynaya dhaqan-celinta maxaabiista, waxbaridda iyo sugnaanta amniga xabsiyada dalka.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alif-leyda, Debleyda Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xaasaskooda iyo Caruurtooda, waxaan u rajeynaya in ay sii wadaan dedaalka naf-hurrnimada ah ee aad dadkeenna iyo dalkeenna u haysaan in aad sii xoojisaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa, ayaa intii ay socotay munaasabadda sanad-guurada 55-aad ee Asluubta, xarigga ka jaray Isbitaal cusub oo ay leeyihiin ciidanku. Waxa uunna xusayn in Xukuumaddiisu xoogga saari-doonto sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan.

Dhinaca kale Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa khudbadda munaasabadda ciidanka Asluubta waxa uu ammaan u jeediyay ciidanka geesiyaasha Daraawiisha ee Puntland ee dagaalka kula jira argagixisada Daacish, isaga oo ballanqaaday in dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan tahay taageero buuxda, shacabka Soomaaliyeedna ay la garab istaagaan xoog iyo xoolaba

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo cambaareeyay goโ€™aankii gardarada ahaa ee Israaโ€™iil

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Masโ€™uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku...

MW Xasan Sheekh oo si adag ugu horyimid aqoonsiga ay Israaโ€™iil siisay Somaliland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad...

Baarlamaanka oo ansixiyay qaraar loogu hortagayo xadgudubka Israaโ€™iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Senator Dubbe oo iska casilay kursiga xubinimo ee Aqal sare

Senator Cismaan Abukor Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles