Friday, May 9, 2025

Soomaaliya iyo Kenya oo iska kaashanaya ilaalinta deegaanka

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Bashiir Maxamed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo u jooga dalka Kenya, isla markaana uu wehlinayo safiira Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan la qaatay wasiirka wasaaradda deegaanka ee dalka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada Wasaaradood, wanaajinta xiiriirka labbada dal iyo Ilaalinta deegaanka.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale waxa ay isla meel dhigeen Ilaalinta iyo ka hortegidda xaalufinta Dhirta oo muhiimad gooni ah u leh Dadka iyo deegaanka, waxaana ay si wadajir ah u qireen in isbeddelka ku yimid cimilada uu saameyn ku yeeshay bulshada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo isna kulanka ka hadlay ayaa xusay in Labada dowladood ay lagama maarmaantahay inay kala saxiixdaan heshiis is-afgarad ah (MOU) oo ku saabsan horumarinta deegaanka, isla markaana la magacaabo guddiyo farsamo oo arrintaas dardargeliyo.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweynaha Koofur galbeed oo gaaray Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

Jubbaland oo ka hortimid qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaranka

Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta si adag...

Lafta gareen oo ka tagay Muqdisho, kadib markii ay MW Xasan Sheekh isku fahmi waayeen xisbiga Cusub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta...

DFS oo qorsheynaysa inay maamul cusub u dhisto Jubbaland iyo khilaafka oo weji cusub yeeshay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa  inay maamul goboleed cusub...

Mareykanka oo $10 Milyan Dul Dhigay Madaxa Cabdullahi Banati

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay abaalmarin lacageed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles