Wednesday, August 27, 2025

Xildhbaanada golaha shacabka oo soo gaba gabeeyay dood ku saabsan xasaanadda iyo safarada xildhibaanadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa sedaxaad oo lagu sii amba qaaday dood la xiriirtay soo jeedinta Xildhibaano ka tirsan Golaha taasoo lu saabsaneyd ilaalinta xasaanadda iyo safarada Xildhibaanadda, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu gaba gabadda dooda sheegay in dooda arintan la xiriirta oo soo bilaabatay kulankii kan ka horeeyay maanta la soo gaba gabeeyay.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Daawadda oo ay soo diyaarisay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedkan mudanayaasha Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo faahfaahin ka bixiyay qodobada hindise sharciyeedkan uu ka koobanyahay iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maadaamaa sida uu qabo Xeerhoosaadka Golaha Shacabka hindise sharciyeedka marka uu marayo akhrinta koowaad uusan wax dood ah ka furneyn lagu wareejinayo guddiga ku shaqada leh si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad islamarkaana Golaha dib ugu soo celiyo si looga doodo.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 26/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Pakistaan?

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha...

Musharixiinta isbadel doonka iyo Firdhiye oo ku tartamaya doorashada

Xubnihii mucaaradka ahaa ee dhawaan isaga baxay Golaha Samatabixinta...

Musharixiinta isbadel doonka iyo Firdhiye oo ku tartamaya doorashada

Magaalada Laascaanood ayaa xalay martigelisay kulan muhiim ah oo...

DFS oo soo dhaweysay ciidanka Masar ee tababarka u soo dhammaaday ee ku soo wajahan Dalka

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay soo dhoweyneysaa guusha lagu soo gabagabeeyay...

Wadahadalo u socda Suuriya iyo Israa’iil

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac, ayaa xaqiijiyay in wadahadallo muhiim...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles