Gen Odawaa iyo Guddoomiye Shuute oo abaabul culus ka wada G/Sh/Dhexe.

Kadib markii maleshiyaadka Al-shjabaab ay weerar ku qaaday deegaano ka tirsan G/Shabeelada Dhexe, waxaa dib u bilowday abaabul dagal iyo diyaar garow ciidan oo si xowle ah ugu ugu socda gobolkaasi, kaasi oo ay wadaan Taliyaha ciidamada xoogga Gen Odawaa Yuusuf Raagge iyo Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo madax ka tirsan Hirshabelle.

Qorshaha Gen Odaawaa iyo Guddoomiye Shuute iyo madaxda Hirshabelle ayaa ah in maleeshiyada Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay ka maamulaan gobolka Shabeelada dhexe, iyo siddii deegaanada Hirshabelle looga saari lahaa kooxda.

Saraakiishan ayaa kulamo aan joogsi laheyn ka wada Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaa ayna si gooni gooni ula kulmayaan ciidamada macawiisleyda, kuwaasi oo markan la doonayo in dib boorka looga jafo, waxaana ciidankan iyo kuwa dowladda looga tala galay sidii ay maleeshiyada uga saari lahaayeen deegaanada istiraatiijiga ah ee ku yaala gobolka shabeelada Dhexe.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in hub iyo rasaasba uu gaarsiiyay ciidanka macawiisleyda eek u sugan Gobolka Shabeelada dhexe,,

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelihii lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana ay haatan meelo yar kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, inkastoo maalmihii u dambeeyay ay hakad galeen howlgalladii ay hormuudka u ahayd dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

Iran oo hanjabaad u diray Mareykanka

Ali Abdollahi, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles