Wednesday, August 12, 2026

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu khaarijiyay Shabeelada Hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Baladul amiin oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab.

Sarkaalka howlgalka qorsheysan lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Daa’uud Maxamed Maleele, kaasi oo maleeshiyaadka u qaabilsana waxay ugu yeeraan Sakawaadka iyo Sahanka deegaanka Baladul amiin ee degmada Afgooye.

Maleele ayaa la tilmaamay inuu ahaa nin si weyn u dhibaateyn jiray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool tuulooyinka hoostaga deegaanada kala Sabiid iyo Baledul amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan lagu khaarajiyay horjooge Maleele ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada ciidanka xoogga dalka ay ku bartilmaameedsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Dilka horjoogahan ayaa imaanaya xili Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka duqeyn ka dhacday deegaanka Ceel bacad ay ku dileen horjoogahii labaad ee kooxda Al-shabaab Yuusuf Dhagnaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan iyo ciidankiisa oo ku biiray Jubbaland iyo DF oo loogu adkaaday Gobolka Gedo

Taliyihii Nabad sugida ee Gobolka Gedo ugu magacownaa DF...

Uganda oo Ciidamada Afrika isugu Keentay Kampala, Soomaaliya iyo AUSSOM oo laga arrinsanayo

Dowladda Uganda ayaa magaalada Kampala ka furtay shir muhiim...

Puntland oo sheegtay in la soo afjaray wejigii koowaad howlgalkii ka socday Mudug

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo...

Xuutiyiinta ayaa gantaallo ku weeraray magaalada Mukha ee Yeman

Ciidamo taabacsan dowladda Yeman ayaa sheegay in xoogagga Xuutiyiintu...

Wasiir Fiqi oo Isbitaalka Madiina ku Booqday Askarta CXDS ee ku Dhaawacmay Weerarkii Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles