Wednesday, July 2, 2025

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu khaarijiyay Shabeelada Hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Baladul amiin oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab.

Sarkaalka howlgalka qorsheysan lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Daa’uud Maxamed Maleele, kaasi oo maleeshiyaadka u qaabilsana waxay ugu yeeraan Sakawaadka iyo Sahanka deegaanka Baladul amiin ee degmada Afgooye.

Maleele ayaa la tilmaamay inuu ahaa nin si weyn u dhibaateyn jiray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool tuulooyinka hoostaga deegaanada kala Sabiid iyo Baledul amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan lagu khaarajiyay horjooge Maleele ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada ciidanka xoogga dalka ay ku bartilmaameedsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Dilka horjoogahan ayaa imaanaya xili Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka duqeyn ka dhacday deegaanka Ceel bacad ay ku dileen horjoogahii labaad ee kooxda Al-shabaab Yuusuf Dhagnaas.

WARARKII KALE

DF oo war ka soo saartay diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed,  Axmed Macallin...

Diyaarad Milateri oo ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Dhawaqa xooggan ee laga maqlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa...

MW Xasan Sheekh “Waxaan diyaar u nahay in miiska la isugu yimaado si daacadnimo iyo kalgacal ku dhisan’

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi...

Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa

Israa’iil ayaa oggolaatay “shuruudaha lagama maarmaanka ah” si loo...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles