Xildhibaanada golaha shacabka ee BFS oo ansixiyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay mudane Maxamed Cabdi Cali oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Intaasi ka dib mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Dalka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusay ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ee XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa Xildhibaanadda Golaha uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka Cadaaladda da’yarta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka sharciga canshuurta dakhliga, waxaana ogolaatay 138-xildhibaan , laba xildhibaan ayaa diiday hal xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka sharciga canshuurta dakhliga oo uu sheegay in uu faa’iido weyn u leeyahay nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa akhrinta labaad marsiiyay hindise sharciyeedka sharciga hay’addaha Maaliyadda iyo hindise sharciyeedka shirkadaha Caymiska, waxaana guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu faray guddiga ay quseyso in labada Hindise sharciyeed soo diyaariyaan akhrintooda sedaxaad dibna golaha ugu soo celiyaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo sameeyay magacaabis cusub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaasha...

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay waqooyi-galbeed ee Pakistan

Booliska waqooyi-galbeed ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in ugu...

Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay qorshihii Xamsa, taageerayna BFS

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed ayaa 26-ka Sebtembar 2026...

Ciraaq oo Maraykanka kala hadlaysa duulimaadyada Iran

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in dowladda ay...

Sheegashada Puntland ee markabkii oo dood ka dhalatay iyo xog cusub

War cusub ayaa kasoo kordhaya cidda dhab ahaantii soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles