Monday, September 1, 2025

Xildhibaanada golaha shacabka ee BFS oo ansixiyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay mudane Maxamed Cabdi Cali oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Intaasi ka dib mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Dalka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusay ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ee XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa Xildhibaanadda Golaha uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka Cadaaladda daโ€™yarta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka sharciga canshuurta dakhliga, waxaana ogolaatay 138-xildhibaan , laba xildhibaan ayaa diiday hal xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka sharciga canshuurta dakhliga oo uu sheegay in uu faaโ€™iido weyn u leeyahay nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa akhrinta labaad marsiiyay hindise sharciyeedka sharciga hayโ€™addaha Maaliyadda iyo hindise sharciyeedka shirkadaha Caymiska, waxaana guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu faray guddiga ay quseyso in labada Hindise sharciyeed soo diyaariyaan akhrintooda sedaxaad dibna golaha ugu soo celiyaan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles