Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daah-furay tartanka Qurโaan Akhriska sanadlaha ah ee heer Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho.
Raโiisul Wasaaraha, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay soo saaraan dhallinyaro xambaarsan kitaabka oo xufaad ah, dadkana bara diinteenna nasteexada ah iyo sunnaha, si aan ummadda uga dhex-saarno kuwa leexiyey hadalka Eebbe, isla markaana banneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
โTartanka Qurโaanku wuxuu bulshadeenna ku jihaynayaa in ay isku xirmaan, taas oo kor u qaadeysa midnimada iyo wadajirka bulshooyinka muslimiinta ah, waxa aanna ku xasuusanaynaa muhiimadda weyn ee uu nolosha u leeyahay ku dhaqanka kitaabka iyo sunnaha, kuwaas oo ina faraya in aynu ilaallino islaamnimada iyo wuxuu Alle innagu amrayโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha Dalka.
Mudane Xamsa, ayaa culimada Soomaaliyeed ku booriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka Khawaarijta dalka looga xoreynayo iyo suulinta fikradaha khaldan ee looga been sheegayo diinteena suubban.