Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kulan La Qaatay Danjiraha Dowladda Mareykanka

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahadceliyey taageerada Maraykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo argagixisada.

Dhankiisa, Danjire Richard ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dowladda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wax-ku-ool ah kula yeeshay magaalada New York Dhigiisa Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Trump oo garaadka macmalka ee AI u bixiyay magac cusub

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa ku bixiyay magac...

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Qaabilay U-qaybsanaha Difaaca Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji,...

Shirka Golaha guud ee Q.M oo furmay iyo Guterres oo fariin u diray dunida

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Golaha Guud...

RW Xamsa Abdi Barre oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles