Madaxweynaha Hirshabeelle iyo safiirka dowladda turkiga oo ka wada hadlay dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Safiirka Dowladda Turkiga Danjire Alper Aktas oo yeeshay wada haddal khadka telefoonka ah.

Ugu horeyn Safiirka ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha Hirshabeelle adkeysiga dagaalka Khawaarijta xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Soon-qaad.

Sidoo kale safiirka ayaa u tacsiyeeyay intii ku dhimatay dagaalka isagoo Rabbi uga baryay caafimaad inta ku dhawaacantay howlgalka dabar-goynta Khawaariijta.

Danjire Alper Aktas ayaa tilmaamay in laga adkaan doono argagixisada waqti dhow.

“Farriinta Dowladda Turkiga oo ka mid ah walaalaha Soomaaliya waxa ay dhiirogelin u tahay dhammaan naf-hurayaasha taagan furimaha dagaalka Hirshabeelle.”

Gunaanadkii, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu mahadceliyay Danjiraha Dowladda Turkiga ee u fadhiyo Soomaaliya wada haddalka khadka telefoonka ee uu lasoo sameeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles