Maxaa looga hadlayay shirka golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa looga hadlay xaaladda amniga guud ee dalka, dardargalinta howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta ah, oo guulo waaweyn ay ka soo hooyeen ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaarrada Beeraha iyo Waraabka ee Magacaabista Maareeyaha iyo Maareeye ku Xigeenka hey’adda sharciyeynta Adeegyada Baaritaanka iyo Beeraha Soomaaliyeed, oo loo magacaabay in uu noqdo Mudane Cabdi Maxamed Xuseen, Maareeyaha Guud, halka Mudane Liibaan Cabdi Xasan, loo magacaabay Ku-Xigeenka.

kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu meel-mariyey heshiis is-afgarad ku saabsan arrimaha Bartoolka iyo Gaaska oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyo Xeerka xarunta Shaqada ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles