Tuesday, March 3, 2026

Isbuurasho Ka Dhacday Hindiya oo Sababtay Geerida In Ka Badan 120 Ruux

Inta la xaqiijiyay 121 ruux ayaa geeriyooday isbuurasho ka dhacday goob uu ka socday kulan diimeed oo ballaaran oo ay isugu yimaadeen dadka rumaysan madhadka hinduuga ee dalka Hindiya.

Guddoomiyaha gobolka ku yaalla waqooyiga hindiya ee Uttar Pradesh ayaa xaqiijiyay dhimashada dadka ku dhammaaday dhacdadan naxdinta leh, asagoo dhacdan ku tilmaamay musiibo qaran.

Isbuurashada ayaa timid xilli ay dadka goobta kulan diimeedku ka dhacayay ku sugnaa ay bilaabeen inay soo aruuriyaan ciid ama carro ay barakaysanayeeen, halkaas oo la sheegay in ay ku xoomeen, ka dibna is jiireen.

Warbixin uu soo saaray booliisku ayaa lagu sheegay in in ka badan 250,000 oo qof ay ka soo qayb-galeen, kuwaas oo qeyb ka ahaa in ka badan 80,000 oo fasax loo siiyay inay kulanka ka tagaan.

Dadka ku dhintay isbuurashadan oo dhacday subaxnimadii hore ee Arbacada ayaa u badan haween iyo carruur, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanku.

WARARKII KALE

Magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigay waxsoo saarka iyo halabuurka ganacsiga haweenka

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay bandhig ganacsi kaas oo...

Dhalinyaro abuuratay fursado ganacsi oo shaqaaleysiiyay dhaliyaro kale

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay wajahaan shaqo la’aan baahsan, balse waxaa...

Xarun lagu kobciyo Xirfadaha haweenka oo laga furay Muqdisho

Goob lagu kobciyo xirfadaha haweenka Soomaaliyeed iyo barashada Buraan...

Somali Dog Caregiver Faces Fear and Rejection: What You Need to Know

While Aadan Abdullahi Ali devotes himself wholeheartedly to the...

Digital Abuse of Somali Women: Why This Growing Harm Matters

Sometimes people think it’s normal to write a mean...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles