Ciidamada Sudan oo isku fidiyay Magaaladda Khartuum

Ciidanka milatariga Suudaan ayaa isku ballaarinaya bartamaha caasimadda Khartuum, iyagoo ku dhow inay soo afjaraan howlgalkooda bartamaha Khartuum, waxayna go’doomiyeen goob kasta oo ay Khartuum kaga suganyihiin ciidanka RSF oo loo diidday inay nolal uga baxaan saldhigyada ay ku sugnaayeen.

Afhayeen u hadlay ciidanka Suudaan ayaa ayaa sheegay in cidammadu ay dhawaan soo saari doonaan bayaan arrimahan ku saabsan.

Muuqaalo iyo sawirro la soo dhigay baraha bulshada  ayaa muujinaya askar aad u faraxsan oo qoryahooda lulaya, oo samaynaya raynyan iyo jilba-joogsanaya u muuqda in ay xamdi-naqayaan.

Bishii Abriil ee sannadkii 2023-kii ayay ahayd markii xooggaga RSF ay si degdeg ah u qabsadeen xarunta madaxtooyada iyo inta badan caasimadda dalka Suudaan, wakhti yar uun ka din markii uu dagaalku qarxay. Laakiin Ciidanka Suudaan ee hubeysan ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay dib ugu soo laabtay iyaga oo ku soo dhawaanayay madaxtooyada kuwaasi oo ku socda Wabiga Nile.

Colaadda u dhexaysa ciidanka iyo xoogagga gurmadka degdegga ah (RSF) ayaa galaaftay tobanaan kun oo qof, malaayiin kalena waxa ay ku qasbeen in ay guryahooda ka barakacaan, iyada oo macuushu ay baahday tan iyo markii dalkaasi uu cagaha la galay dagaal sokeeye.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles