Monday, September 1, 2025

Ciidamada Sudan oo isku fidiyay Magaaladda Khartuum

Ciidanka milatariga Suudaan ayaa isku ballaarinaya bartamaha caasimadda Khartuum, iyagoo ku dhow inay soo afjaraan howlgalkooda bartamaha Khartuum, waxayna goโ€™doomiyeen goob kasta oo ay Khartuum kaga suganyihiin ciidanka RSF oo loo diidday inay nolal uga baxaan saldhigyada ay ku sugnaayeen.

Afhayeen u hadlay ciidanka Suudaan ayaa ayaa sheegay in cidammadu ay dhawaan soo saari doonaan bayaan arrimahan ku saabsan.

Muuqaalo iyo sawirro la soo dhigay baraha bulshadaย  ayaa muujinaya askar aad u faraxsan oo qoryahooda lulaya, oo samaynaya raynyan iyo jilba-joogsanaya u muuqda in ay xamdi-naqayaan.

Bishii Abriil ee sannadkii 2023-kii ayay ahayd markii xooggaga RSF ay si degdeg ah u qabsadeen xarunta madaxtooyada iyo inta badan caasimadda dalka Suudaan, wakhti yar uun ka din markii uu dagaalku qarxay. Laakiin Ciidanka Suudaan ee hubeysan ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay dib ugu soo laabtay iyaga oo ku soo dhawaanayay madaxtooyada kuwaasi oo ku socda Wabiga Nile.

Colaadda u dhexaysa ciidanka iyo xoogagga gurmadka degdegga ah (RSF) ayaa galaaftay tobanaan kun oo qof, malaayiin kalena waxa ay ku qasbeen in ay guryahooda ka barakacaan, iyada oo macuushu ay baahday tan iyo markii dalkaasi uu cagaha la galay dagaal sokeeye.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles