Tuesday, January 13, 2026

Maxkamadda sare ee Mareykanka oo Xasaanad Ballaaran Siisay Trump Xilli loo Diyaariyay Maxkamadeyn

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa soo saartay xukun xasaanad ballaaran siinaya madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Go’aanka Maxkamada ayaa ka dhigan in dib u dhac uu ku imaan doono maxkamadeynta Trump ee kiiska rabshadihi ay qaar ka mid ah taageerayaashiisa ku weerareen xarunta Coongareeska horraanti sannadki 2021-ki.

Kiiska Dacwadda la xiriirta in Trump uu isku dayay inuu dhinac kale u rido doorashadi looga guuleystay ee sannadki 2020-ki, ayaa tan iyo sannadki hore ka socotay maxkamad ku taalla magaaladan Washington D.C, waxana loo ballansanaa in la qaado ka hor doorashada 5-ta Novemebr.

Xukunka Maxkamadda Sare ayaa waxaa aqbalay 6 garsoore, halka ay saddex kasoo horjeesatay.

Waxa uu laalayaa go’aanki maxkamadda hoose ee lagu diiday sheegashadii Trump ee aheyd inuu leeyahay xasaanad madaxweyne oo ka hor istaageysa in hey’adaha federaalka Mareykanka ay dacwad ku soo oogaan isaga.

Maxkamadda Sare ayaa go’aamisay inaanan Trump loo maxkamadeyn karin ficillada uu ku dhaqaaqay inti uu heystay awoodda dastuuriga ah ee madaxtinimo, balse lagu soo oogi karo danbiyada gaarka u ah.

Go’aankaan taarikhiga ah ayaa ka dhigan guul weyn oo siyaasadeed oo u soo hoyatay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

WARARKII KALE

Magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigay waxsoo saarka iyo halabuurka ganacsiga haweenka

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay bandhig ganacsi kaas oo...

Dhalinyaro abuuratay fursado ganacsi oo shaqaaleysiiyay dhaliyaro kale

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay wajahaan shaqo la’aan baahsan, balse waxaa...

Xarun lagu kobciyo Xirfadaha haweenka oo laga furay Muqdisho

Goob lagu kobciyo xirfadaha haweenka Soomaaliyeed iyo barashada Buraan...

Somali Dog Caregiver Faces Fear and Rejection: What You Need to Know

While Aadan Abdullahi Ali devotes himself wholeheartedly to the...

Digital Abuse of Somali Women: Why This Growing Harm Matters

Sometimes people think it’s normal to write a mean...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles