Monday, December 8, 2025

Isbuurasho Ka Dhacday Hindiya oo Sababtay Geerida In Ka Badan 120 Ruux

Inta la xaqiijiyay 121 ruux ayaa geeriyooday isbuurasho ka dhacday goob uu ka socday kulan diimeed oo ballaaran oo ay isugu yimaadeen dadka rumaysan madhadka hinduuga ee dalka Hindiya.

Guddoomiyaha gobolka ku yaalla waqooyiga hindiya ee Uttar Pradesh ayaa xaqiijiyay dhimashada dadka ku dhammaaday dhacdadan naxdinta leh, asagoo dhacdan ku tilmaamay musiibo qaran.

Isbuurashada ayaa timid xilli ay dadka goobta kulan diimeedku ka dhacayay ku sugnaa ay bilaabeen inay soo aruuriyaan ciid ama carro ay barakaysanayeeen, halkaas oo la sheegay in ay ku xoomeen, ka dibna is jiireen.

Warbixin uu soo saaray booliisku ayaa lagu sheegay in in ka badan 250,000 oo qof ay ka soo qayb-galeen, kuwaas oo qeyb ka ahaa in ka badan 80,000 oo fasax loo siiyay inay kulanka ka tagaan.

Dadka ku dhintay isbuurashadan oo dhacday subaxnimadii hore ee Arbacada ayaa u badan haween iyo carruur, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanku.

WARARKII KALE

Israa’iil oo ku hanjabtay inay dili doonto hoggaamiyayaasha Xamaas ee ku haray Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa mar kale ku...

Golaha ammaanka oo shir degdeg ah ka yeelnaya diyaaradihii Ruushka ee Poland soo ridday

Codsi ka yimid Poland awgiis, Golaha Ammaanka ee Qaramada...

Bilan Media oo Tababar u qabatay saxafiyiin

Waxaan tababar ugu soo gabagabeynay magaalada muqdishu 10 gabdhood...

Shiinaha oo digniin u diray dalalka heshiisyada la galaya Mareykanka

Shiinaha ayaa ka digay inay ka falcelin doonaan dalalka...

Suudaan oo laga dayrinayo in dumarka ‘hub’ ahaan u istcimaalayaan kooxaha is hayaa

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in jidhka dumarku uu noqday...

Iiraan oo shuruudo adag ku xidhay wada-hadalka nukliyeerka iyo Trump oo u hanjabay

Iiraan ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wada-hadal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles