Thursday, June 25, 2026

Al-shabaab oo sii deysay odayaal ay dhawaan Afduubteen

Sida ay sheegayaan warbaahinta Kenya Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sii daayay 5 ka mid ah odayaal dhaqameed iyo guddoomiye Waaxeedyo dhawaan ay ka afduubteen deegaano u dhow degmada Ceelwaaq ee dhanka Kenya.

Xubnahan ayaa sii deyntooda waxaa ka qeyb qaataan qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Magaalada Madheere, iyagoo muddo wadaday dadaalo iyo waan-waan  lagu sii deyn lahaa dadkaasi.

Ragga la sii daayay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mohamed Adawa, Mohammed Hassan, Mohammed Noor, Ibrahim Gabow, iyo Abdi Suraw

Odayaashan ayaa marka la afduubayay ka ambabaxay deegaanka Wargaduud, islamarkaana ku sii jeeday degmada Ceelwaaq.

Ma cadda sababta ka dambeysay sii deynta odayaashan iyo talaabooyinka loo maray, maadaama maleeshiyaadka Al-shabaab raga ay afduubteen marar badan ay dhibaateeyaan.

Odayaaashan ayaa dib loogu celiyay deegaanka Wargaduud, oo markii hore ay ka ambabaxeen odayaasha.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa muddo bil ah is ka haysteen odayaashan, waxaana odayaashan la afduubtay hal maalin ka hor inta uusan madaxweynaha Kenya tagin deegaanada Gobolka Waqooyi Bari kenya,

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles