Wednesday, September 3, 2025

Al-shabaab oo sii deysay odayaal ay dhawaan Afduubteen

Sida ay sheegayaan warbaahinta Kenya Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sii daayay 5 ka mid ah odayaal dhaqameed iyo guddoomiye Waaxeedyo dhawaan ay ka afduubteen deegaano u dhow degmada Ceelwaaq ee dhanka Kenya.

Xubnahan ayaa sii deyntooda waxaa ka qeyb qaataan qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Magaalada Madheere, iyagoo muddo wadaday dadaalo iyo waan-waan  lagu sii deyn lahaa dadkaasi.

Ragga la sii daayay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mohamed Adawa, Mohammed Hassan, Mohammed Noor, Ibrahim Gabow, iyo Abdi Suraw

Odayaashan ayaa marka la afduubayay ka ambabaxay deegaanka Wargaduud, islamarkaana ku sii jeeday degmada Ceelwaaq.

Ma cadda sababta ka dambeysay sii deynta odayaashan iyo talaabooyinka loo maray, maadaama maleeshiyaadka Al-shabaab raga ay afduubteen marar badan ay dhibaateeyaan.

Odayaaashan ayaa dib loogu celiyay deegaanka Wargaduud, oo markii hore ay ka ambabaxeen odayaasha.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa muddo bil ah is ka haysteen odayaashan, waxaana odayaashan la afduubtay hal maalin ka hor inta uusan madaxweynaha Kenya tagin deegaanada Gobolka Waqooyi Bari kenya,

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles