Khaatumo oo markii ugu horreysay lagu casuumay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Maamulka SSC Khaatumo , ayaa lagu casumey inay markii ugu horraysay si rasmi ah qayb uga noqdaan shirka madasha wadatashiga Qaran ee u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Laascaanood kaga dhawaaqay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka madasha MCC si rasmi ah ugu casuumey maamulka SSC KHATUMO lana soo gaarsiiyey hoggaamiye Firdhiye.

“Hoggaamiyaha waa sheekaysanay waxaana farxad ah in markii ugu horraysay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si rasmi ah ugu casuumey shirka madasha MCC oo ay ka qaybgeli doonto SSC KHATUMO”, RW Xamse Cabdi Barre.

Shirka golaha wadatashiga Qaranka , ayaa lagu wadaa in 1 da bisha May ka furmo Villa Soomaaliya, waxaana shirkan ka qeyb geli doonin Puntland iyo Jubbaland, halka markii ugu horreysay shirkan lagu casuumay maamulka Khaatumo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles