Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo weli ka socda Aadan Yabaal

In ka badan  6 saacadood ayaa weli waxaa uu dagaal culus uu ka socdaa Degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellaha dhexe, kadib markii saaka maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ay halkaasi ku qaadeen.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa saddex jiho ah ka weerareen degmada Aadan Yabaal, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamaya uu soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona la soo werinayo xubno badan oo ka tirsan maleeshiyaadka lagu dilay dagaalka, inkastoo tiro koob sax ah aan weli laga helin, maadaama dagaalka uu sii xoogeystay.

Ciidamo gurmad ah ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal, kuwaasi oo ku biiray dagaalka culus ee weli ka socda degmada.

Dowladda Soomaaliya, ayaan wali ka hadlin weerarkan xooggan ee Al Shabaab kusoo qaadeen degmada Aadan Yabaal, waxa uuna weerarkan maanta imaanayaa xilli dowladda Soomaaliya isku diyaarineysay in weerar ku qaadaan deegaano iyo degmooyin kale oo Al Shabaab heesteen.

Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinka waa wayn ee saddex sanno ka hor laga xoreeyay Al-shabaab, iyada oo u ahayd saldhigga ugu weyn ee Shabeellaha Dhexe.

WARARKII KALE

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

Dadka Iswiidhishka ah ayaa u codeynaya doorasho guud maanta oo Axad ah

Dadka Iswiidhishka ah ayaa u codeynaya doorasho guud oo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles