Saturday, July 25, 2026

Dagaalka ka dhacay duleedka Baydhabo iyo khasaaraha ka dhashay

Wararka ka imaanaya gobalka Baay gaar ahaan magaalada Baydhabo waxaa ay sheegayaan in arornimadii saakay uu dagaal ka dhacay aaga Deynuunay oo maalmahaan ay ka jireen dhadhaqaaqyo ciidan.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa weerarka ku qaaday deegaanka Burjeed ee gobolka Baay, oo halkaasi ay saldhig ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Daraawiishta ee Koofur Galbeed.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa lasoo wariyay inay guuloka gaareen ciidamada huwanta, waxaana la jabiyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Ku dhowaad 20 Shabaab ah ayaa lagu dilay dagaalka, waxaana jira khasaare kale oo dhaawacyo oo la gaarsiiyay Shabaabkii weerarka soo qaaday, sida ay sheegeen laamaha amniga Koonfur Galbeed.

Maydadka xubnaha Al-Shabaab ee lagu laayay aagga deegaanka Daynuunay ayaa la geeyay gudaha magaalada Baydhaba, iyada oo lagu soo bandhigay fagaare ku yaalla magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan...

Mareykanka oo Soomaaliya iyo Eritrea kala hadlaya Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Dowladda Mareykanka ayaa billowday wada-hadallo ay la yeelaneyso Soomaaliya...

Imaaraadka Carabta oo Gabagabo ku dhow Dhismaha Saldhig Millatari oo ku yaalla Berbera

Warbaahinta The Global Eye ayaa daabacday warbixin ay ku...

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Mandhera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarro kala duwan ka...

Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee xukunta waqooyiha dalka Yemen ayaa duqeyay...

Suudaan oo eedeyn u jeedisay Itoobiya

Dowladda Suudaan ayaa ku eedaysay Itoobiya inay hakisay korontadii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles