Saturday, July 25, 2026

Doon siday Hub oo lagu burburiyay xeebaha Soomaaliya

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni aan calan wadan iyo dooni kale oo yar oo taageero siinaysay.

War kasoo baxay AFRICOM ayaa xaqiijiyay in hubkaasi loogu talagalay kooxda Al-Shabaab, isagoo la sheegay inuu khatar weyn ku ahaa amniga Soomaaliya iyo xasiloonida guud ee gobolka, gaar ahaan saaxiibada caalamiga ah ee gacan siinaya dadaallada nabad-dhisidda Soomaaliya.

Warbixintan laguma sheegin goobta lagu beegsaday doonyahan hubka u siday kooxda Alshabaab.

Qiimeyn hordhac ah oo la sameeyay ayaa muujisay in dhammaan kooxdii saarnaa labada doonyood lagu dilay duqeyntaas, iyadoo aan wax khasaare ah kasoo gaarin shacabka Soomaaliyeed.

Taliska AFRICOM ayaa hoosta ka xarriiqay in howlgalka lagu beegsaday bartilmaameed sax ah oo muhiim u ahaa horjoogsiga shabakadaha hubka iyo taageerada kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ka dagaalama.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay howlgalkan, iyadoo sheegtay inuu qeyb ka yahay dadaalada lagula dagaalamayo kooxaha Argigixisada.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan...

Mareykanka oo Soomaaliya iyo Eritrea kala hadlaya Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Dowladda Mareykanka ayaa billowday wada-hadallo ay la yeelaneyso Soomaaliya...

Imaaraadka Carabta oo Gabagabo ku dhow Dhismaha Saldhig Millatari oo ku yaalla Berbera

Warbaahinta The Global Eye ayaa daabacday warbixin ay ku...

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Mandhera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarro kala duwan ka...

Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee xukunta waqooyiha dalka Yemen ayaa duqeyay...

Suudaan oo eedeyn u jeedisay Itoobiya

Dowladda Suudaan ayaa ku eedaysay Itoobiya inay hakisay korontadii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles