Monday, July 27, 2026

MW Xasan Sheekh oo kulan deg deg ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan aan caadi aheyn la qaatay dhamaan taliyaasha ciidamada qaranka, iyadoo la iska wareystay xaalada guud ee dalka marayo iyo dagaalkii ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada Dhexe, sida ay sheegeen ilo wareedyo muhiim ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa ayaa shirkaas dartiis shalay u yimid magaalada Muqdisho, isagoo ka soo ka soo laabtay furimaha dagaalka ee HirShabeelle, halkaas oo uu kula sugnaa ciidankii maalmo ka hor laga qabsaday degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan ay ku sugnaayeen Taliyasha, Milatariga,  Booliska, Nabad Sugidda, Asluubta iyo masuuliyiinta kale ee amniga, sida la taliyaha amniga qaranka, iyadoona madaxweynaha la sheegay inuu aad ugu xumaaday in maleeshiyaadka Al-shabaab ay qabsadaan degmada Aadan Yabaal, waxaa uuna saraakiisha dowladda ku amray in si deg deg ah loo qabto degmada.

Kulan  ayaa ahaa mid ay ka soo baxeen go’aano xasaasi ah, kaasi oo ah in wax laga  bedelo qorshaha dagaalka ee dhanka Al-shabaab iyo siddii dib looga laaban lahaa deegaanada ay la wareegeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Hadalkii ugu dambeeyey ee madaxweynaha Soomaaliya uu maalin ka hor ka jeediyey shir ka dhacay Muqdisho wuxuu ku sheegay in dowladdu ay tallaabooyin deg deg ah qaadi doonto, isagoo qiil u sameeyey deegaanada laga qabsaday dowladda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Yahuudda la dajiyay Daanta Galbeed ayaa gubay masaajidyo, gawaari iyo beero

Saraakiil Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in Yahuudda la deegaameeyayay...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen daroon lagu sameeyay Turkiga oo Sacuudigu isticmaalayay

Yahya Saree, oo ah afhayeenka xoogaga Xuutiyiinta Yemen, ayaa...

Iran iyo Maraykanka oo sheegay ‘in ay dib u bilaabayaan wadahadalada

Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo...

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles