Wednesday, July 30, 2025

AFRICOM oo ka hadashay duqeyn ka dhacday G/Bari iyo xubno ka tirsan Daacish oo la dilay

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn uu dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen deegaano dhaca Koonfur Bari Boosaaso ee gobolka Bari.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu fuliyay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, taasoo dhacday 1-dii bishaan April oo ku beegneyd Talaadadii lasoo dhaafay.

Taliska ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku xusay in duqeynta lagu dilay xubno badan oo ka tirsana kooxda daacish, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo duqeynta kasoo gaaray dad rayid ah.

Duqeyntan waxay ahayd is-difaac oo lagu taageerayo ciidamada Soomaaliyeed, si looga hortago khataraha ay ISIS-Somalia ku hayso gobolka iyo danaha Mareykanka,Waxaan sii wadi doonnaa iskaashi buuxa oo aan la leenahay Dowladda Federaalka si loo baabi’iyo kooxahan xagjirka ah ee khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed,” ayuu lagu yiri qoraalka.

Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish, isaga oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya si looga hortago khatarta amni ee  kooxdu ku leedahay Soomaaliya.

Puntland ayaa dhankeeda sheegtay in duqeyn iyo dagaal ka dhacay Gobolka Bari lagu dilay Maleeshiyaad badan oo ka tirsan Daacish, kuwaasi oo gaaraya 50 xubnood.

Diyaaradaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka qeyb qaadanaya howlgal ka socda Buuraleyda Cali-Miskaad ee gobolka Bari.

Kooxda Daacish ayaa waxaa ay saaxadda caalamka soo gashay sanadkii 2010-kii, iyadoo ka soo baxday Ciraaq iyo Suuriya.

Garabka Daacish ee Soomaaliya waxaa sanadkii 2015-kii sameeyay koox ka soo go’day al-shabaab oo ah kooxda ugu weyn Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles